Welcome to Gedoland.com - Ku Soo Dhawaada Shabakadda Gedoland.com

Sep 10, 2010 at 07:41 PM  
Home
Warkii Dalka
Warkii Dunida
Maqaalo Guud
Faalloyin
Arrimaha Bulshada
Taariikhda Soomaaliya
Qoraalo Kala Duwan
Aroosyo
Aroosyo Iyo Tahniyado
Tacsi iyo Baafin
Tacsi
Baafin
BBC Somali
0400 GMT
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
Somali Links

A

AllGedo.com

Allwadani
Afrikadabari
Aftahan
Alldalka
Allpuntland
Allsanaag
Allwaamo
Aminarts

B

Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com

C

Ceelbuur Online
Ceelwaaq.com
Codkawaamo

G

GedoWeb.com
Geeska Afrika
Gobeey.com
Goldogobsite.com
Goobjoog

H

Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo
Hiiraan.com

I

Idaacadda Qur'anka
Iqrasomali.com
Israac
Islam East Africa
Idamaale

J

Jowhar.com
Jannaale
Jilibweyn
Jiimonet

M

Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com

O

Osman Art

P

Puntlandnewsmedia
Puntlandweb

S

Somaliedu.com
Somaalijecel
Somalilinks.com
SomaliTalk
Somalitech
Somalicitizen
Soomaaliga
Sorasood.com

Somali Medical

Association Nord America

SomaliDoc.com

Somaliweyn

W

Warsannews

Waagacusub

Home arrow Warkii Dalka arrow Dagaal
Dagaal PDF Print E-mail
User Rating: / 2
PoorBest 
Written by wariyaha websiteka   
2008-04-27

Dagaal qasaare xooggan geystay ayaa xalay ku dhexmaray xeradii Vila Baydhabo ciidamada DF iyo dagaalyahanada ka soo horjeeda.

Abaarihii 12:00 saqdii dhexe ee xalay oo daqiiqado dhiman ayaa mar kaliya dagaal aad culus waxa uu ka qarxay agagaarka xeradii Villa Baydhabo oo ku taala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeyey ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ee xeradaas degenaa iyo kooxaha ka soo horjeeda iyadoo dagaalkaasina uu geystay qasaare fara badan oo nafeed.

Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ee xeradasi degan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadisa kala duwan sida baasuukeyaasha iyo rasaasta ka dhacda boobayaasha culus, kuwaasoo daryankooda laga maqlayey qeybo badan o ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ilaa saddex ruux oo rayid ah ayaa inta la og’yahay ku dhimatay dagaalkaas, halka illaa lix kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen kuwo kamsoo jeeda qoys kaliya oo ku noolaa guri ku yaala agagaarka xarunta wasaaradi hore ee qorsheynta qaranka oo ku taala nawaaxiga goobta uu dagaalku ka dhacay ee la isku fara saaray xalay, lamana oga qasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayey, waxaana dagaalkan oo socday muddo saacad iyo bar ka badan uu qasaare iyo burbur xooggan soo gaarsiyey xarunta Vila Baydhabo iyo dhismayaasha ku xeeran, iyadoo isgoyska Zoope daaraha ku yaala ay ka muuqdeen derbiyadooda rasaas aad u fara badan kuwaasoo ka mid ah kuwii la isku riday xalay.

Xaalada deegaanka ayaa degan saaka, iyadoo saakana uu dib u furmay isu socodkii dadka iyo gaadiika ee deegaankaasi iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa Buulo-xuuney oo saaka ka xirnaa ka dib markii laga baqay in ciidamada DF ay saaka deegaanadaasi howlgalo ka sameeyaan, kuwaasoo hase ahaatee aan dhicin, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ku saabsan dagaalkaas oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda.

wariye c/qafaar

<Previous   Next>

News Websites

Aljazeera

Reuters

Cnn.com

 

 

Taariikhda Calanka
 1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Diyaaradihii Soomaaliya

©Copyright 2007 By GedoLand.com
Email: webmaster@gedoland.com
Website Hosted by Kooshin.com and Designed By Kooshindesigns.com
Proudly Powered By Mambo OS Mambo Customization by KooshinDesigns.com