|
Written by wariyaha websiteka
|
|
2008-04-28 |
|
Dagaalyanada Al-Shabaab oo saaka si nabadgelyo ula wareegay gacan ku heynta degmada Ufurow ee gobolka Bay.
Xooggag taabacsan dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta degmada Ufurow ee gobolka Bay, iyagoo aan halkaasi kala kulmin wax is caabin ah oo kaga timid ciidamada dowladda federaalka oo qaarkood iyagoo ay la socdaan maamulkii degmadasi halkaasi isaga baxay. Ciidamada Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa in markii ay galeen gudaha degmada Ufurow aysan halkaasi wax dhibaato ah ka geysan iyagoo kulamo kal duwan haatan kula leh gudaha degmadaasi qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada, iyagoo ka wada hadllaya arimo ay ka mid yihgin sugida nabadgelyada iyo la dagaalanka kooxaha burcada ah ee wadooyinka u gala dadka musaafurka ah. Degmada ufurow ayaa noqoneysa degmadii afaraad ee ka tirsan shanta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Bay ee ay la wareegaan gacan ku heynteeda xoogaga Al Shabaab ee la dagaalama kana soo horjeeda ciidamnada DF iyo kuwa Itoobiya ee dalka jooga, iyagoo horeyna u soo qabsaday degmooyinka Qansaxdheere Waajid iyo Diinsoor, waxaana maamulka gobolka Bay uu haatan ka taliyaa oo kaliya magaalada Baydhabo.
wariye c/qafaar |