Xubnahii ka socdey Baarlamaanka DFKMG ah ee Soomaliya oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa meel fagaaro ah waxay kula hadleen Boqolaal dadweyna ah oo ay ku jiraan mas'uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo, Odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad kale gedisan.
Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii waxaa ay ka warbixiyeen ujeedada ay u yimaadeen Maagalada Garbahaarey oo ay ku sheegeen in ay xambaarsan tahay dhowr ujeeddo oo ay ugu horeeyso sidii Bulshada Gobolka Gedo ay ugula qeyb qaadan lahaayeen tartanka doorshada Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa iyo sidii loo dhameystiri lahaa dib u heshiisiintii horey loogaga dhex wadey qaar ka mid ah Beelaha Gobolka Gedo..Dhinaca kale tartankii doorshada Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa oo lagu wadey 27bishan in ay ka dhacdo Magaalada Garbahaarey ayey xildhibaanada ka socda DFKMG ah ay dib u dhigeen ilaa Talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29/04/08, sida uu Xaqiijiyey Xildhibaan Xasan Deer.
Dib u dhigan ayuu Xasan deer waxaa uu ku micneeyey kulamo iyo wada xaajoodyo ay la yeelanayaan Odoyaasha dhaqanka iyo Wafdi balaaran oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Safiiro ka socda Beesha caalamka oo uu sheegay in ay goob joog ka ahaan doonaan tartanka Doorshada.Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas kasoo baxa ayaa waxaa ay sheegayaan in gudiga doorashada ay sheegeen in hal maalin lasoo hormari doorashada oo halkii horey looga asteeyey inay dhacdo 29 oo ah maalinimada Talaadada ah ee bari laga dhigey maanta oo ay Taariikhdu tahey 28abril.Waxaa kale oo ay sheegeen in degmada Luuq laga reebey doorshada inay ka qeyb qaadato iyadoo sababtana lagu micneeyey in uu qilaaf ka taaganye maamulkii halkaas laga dhisey.
Xilka Doorshada Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa ayaa ilaa iyo hadda waxaa u sharaxan Gudoomiyaha xiligaan ee Gobolka Gedo Aden Ibraahin Aw-xirsi, Xuseen Sh. cabdi Ismaaciil iyo Jamaal Xasan Sarey, halka Ku xigeenadana ilaa iyo hadda ay u taagan yihiin Maxamed Axmed Cali (Sanka), Maxamed Cabdi kaliil, Maxamed Xuseen Buraale, Cabdi Bare Cabdi, Cabdi Qataar, Fiilow Isaaq iyo Sheekh Bare Cali.