Faafaahin dheeraad ayaa ka soo baxeysa meelihii shalay ay ka dhaceen dagaalkii u dhaxeeyey labo beelood oo wada daga Gobolka Gedo.
Waxaa saaka kacsan, isla markaana dhiilo colaadeed laga soo sheegayaa tuulooyinka Warcadey iyo Dalmurux oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo ka dib markii ay halkaasi shalay ka dhaceen dagaalo aad u qaraar oo u dhexeeyey maleeshoyooyin ka soo kala jeeda beelaha Gaadsan iyo Macalin weyne oo iyagu ah beelo ood wadaag ah oo halkaasi wada dega kaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya illaa toban ruux, tiro kale oo intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Qaar ka mid ha tuulooyinka halkaasi ku yaala ayaa lagu soo waramayaa in laga barakacay ka dib markii dadkii ku dhaqnaa oo u badan kuwo ka soo kala jeeda labadaasi beelood ee colaadu u dhexeyso ay ka baqeen inuu dagaalka saameyn ku yeesho isla markaana lagu fuliyo dilal aargoosi ah, waxaana dagaalkii shalay dhexmaray labada beelood uu ahaa kii ugu qaraaraa ee halkaasi ka dhaca mudooyinkan, isagoo bilowday aroornimadii shalay soo gaaray illaa xalay fiidkii, waxaana labada beelood ay wadaan abaabul dagaal oo xoog leh iyadoo xaaladuna ay tahay mid aad u kacsan.
Dagaalkan u dhexeeya beelaha Macalin-weyne iyo gaadsan oo ka kala tirsan beelaha Raxanweyn iyo Dir ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid in muddo ah soo jiitamnayey oo salka ku haya muran la xiriira lahaanshaha dhul cusbada laga qodo iyo waro biyoodyo ku yaala halkaasi oo labada beelood mid walba ay gaarkeed u sheeganeyso iney leedahay, waxaana soconaya dedaalo ay wadaan qaar ka mid ah odayaasha beelaha kale ee halkaasi dega, si ay u qaboojiyaan xiisada dagaal ee halkaasi ka taagan oo hadda mareysa meel aad u sareysa.