Maleeshiyooyin gadoodsan ayaa maalintii sadaxaad duqeyn ku haya dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo
Maleeshiyooyin gadoodsan oo kasoo jeeda beesha Sadde ayaa maalintii sadaxaad duqeyn ku haya dekeda weyn ee magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, taasoo keentay in gebi ahaanba ay joogsadaan howlihi ka socday dekedaasi oo ay ku xiran yihiin maraakiib badan oo qaarna ay halkaasi ku dejinayeen badeecado kala duwan kuwa kalana halkaasi ku sugaya in lagu raro dhuxul loo dhoofinayo dibeda.
Sida warku sheegayo maleeshiyadan ayaa ka soo duqeynaya dekeda weyn ee magaalada Kismaayo, dhul taag ah oo ku yaala bariga magaaladaasi oo si toos ah looga soo liishaami karo dekeda, waxaana dekeda ay la dhacayaan madaafiicda loo yaqaano BTN-ka, iyadoo ilaa haddana aysan jirin wax qasaare ah oo madaafiicdaasi ay geysteen, waxaana madaafiicdaasi intooda badana ay ku dhacayeen dhul banaan oo ku yaala xeebta ku xeeran dekeda Kismaayo.
Maleeshiyadan ayaa dalbanaya in la siiyo lacago mushaharaad ah ay sheegeen iney ku leeyihiin maamulka magaalada Kismaayo, waxaana soconaya dedaalo ay wadaan odayaal iyo xubno xildhibaano ah oo magaaladaasi ku sugan kuwaasoo uu ka mid yahay xildhibaan Barre Aadan Hiiraale, iyagoo isku dayaya iney waan waan la galaan maleeshiyada gadoodsan, si loo soo celiyo howlihii dekeda magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo hadda xiran.