Qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay qaraxyo ka dhacay qeybo ka mid ah wadada warshadaha
Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney ku naf waayeen kuwo kalena ku dhaawacmeen ka dib markii qaraxyo xooggan lagula beegsaday qeybo ka mid ah wadada dheer ee warshadaha ee magaalada Muqdisho gawaari ay wateen ciidamadaasi oo halkaasi mareysay.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyinka la geliyo wadada dhinaceeda ee meelaha fog laga hago ayaa lagu soo waramaya in kan hore uu ka dhacay isgoyska telefishinka oo ku dhow garoonka kubada cagta ee Istaadiyo Muqdsho kaasoo haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaasi marayey, waxaaana qaraxaasi ka dib dadka halkaasi ku sugnaa ay indhaha ka qaadeen ciidamada Itoobiyaanka ah oo saarnaa gaarigaasi oo wadada bartameeda daadsan, kuwaasaoo iskugu jiray kuwo dhintay iyo kuwo kale oo dhaawacmay, waxaana goobtaasi gaaray ciidamo kale oo itoobiyaan ah oo rasaas ku kala eryey dadkii halkaasi ku sugnaa, iyagoo ka daad gureeyey askartii qaraxaasi ku waxyeelowday.
Sidoo kale, wadada warshadaha gaar ahaan agagaarka deegaanka Raaaderka ee degmada Dayniile ayaa waxaa ka dhacay qarax kale oo lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo halkaasi marayey kaasoo hase ahaatee ka badbaaday qaraxaasi mana jirin wax qasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi sida dadka deegaanka ku dhaqan ay inoo xaqiijiyeen.