Dadweynaha B/weyne oo cabsi ka muujinaya Ciidamadii ugu faraha badnaa ee Itoobiyaan ah oo xalay ku baryey gudaha magaaladaasi
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ay ku waabariisteen gudaha iyo daafaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi ka soo dhaqaaqeen halka loo yaqaano Gante kun dhishe oo ku taala dhinaca bari ee magaaladaasi oo mudooyinkanba ay ku sugnaayeen fariisimana ka sameysteen.
shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa si aad ah uga walaacsan ciidamadan Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya magaaladaasi oo si aad ah uga fara badan kuwii horey loogu arki jiray magaalada, waxayna dadweynaha intooda badan ku jiraan oo aysan ka soo bixi karin guryahooda, waxaana walaac aad u weyn ay ka qabaan dhinaca amaankooda iyo dagaalo ka dhaca magaaladaasi oo ay isaga hor yimaadaan xoogaga mucaaradka ah iyo ciidamada Itoobiya
Milateriga Itoobiya ayaa wata gaadiid badan oo nooca dagaalka ah, iyagoo ku sugan xarumaha dowladda ee magaaladaasi, waxayna gaaf wareegayaan wadooyinka dhexmara B/weyne, iyagoo si aad ahna u feegin, isla markaana diyaar u ah iney jawaab culus ka bixiyaan haddiiba weerar lagu soo qado ama qaraxyo loo geysto, tasaoo ah walaaca ugu badan ee heysta dadka ku dhaqan magaaladaasi.
Askartan faraha badan ee itoobiyaanka ah ee la soo dhoobay bartamaha magaalada B/weyne ayaa ku soo beegmaysa xili la hadal hayo in maanta uu magaaladaasi ku wajahan yahay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan kaasoo dhawaan uu magacaabay ra’isul wasaare Nuur cadde oo haatan ku sugan magaalada baydhabo ee gobolka Bay xili guddoomiyihii gobolkaasi uu ku adkeysnayo inuu weli yahey gudoomiyaha gobolkaasi, isagoo haatana ku sugan magaalada B/weyne